Baaritaanka guriga lagu sameeyo ee loogu talagalay waalidiinta:
English |
Español |
Việt |
简体中文 |
Soomaali |
العربية |
नेपाली |
Français |
Русский |
አማርኛ |
ျမန္မTilmaamaha Safe Access ee Baadhitaanka Caafimaadka Maalin Kasta ee Ardayga:
English |
Español |
Việt |
Soomaali |
العربية |
नेपाली |
Français |
Русский |
አማርኛ |
ျမန္မKu soo dhowow nidaamka Baaritaanka Ardayga ee DPS. Inta aad dhamaystireysid baaritaankaan, fadlan tixgeli haddii astaamahaaga ama astaamaha ardaygaaga ay "cusub yihiin" ama "lama filaan yihiin", ama haddii astaamuhu ay la jaan qaadayaan xasaasiyaddaadii caadiga ahayd ama xaaladaada caafimaad oo aad horey u qabtay. Si aad u dhammaystirto baaritaankaaga caafimaad ee ikhtiyaariga iyo maalinlaha ah, adigoo adeegsanaya aalada 'Safe Access', waa inaad isticmaashaa aqoonsigaaga ardaynimada DPS ama lambarka qadada ardayga si aad u gasho.
Kahor intuusan imaan dugsiga maalin kasta, arday kasta waa in laga baaraa astaamaha la xiriira COVID. Baaritaankan astaamaha ee maalinlaha ah laguma xiriirin doono iskuul. Xogta waa la tirtiri doonaa 24 saac kadib. Fadlan toos ula xiriir dugsiga si aad uga sheegto wixii maqnaansho ah oo la xiriira jiro.
Haddii aad su'aalo ka qabtid caafimaadka ardayga, waxaad la xiriiri kartaa bixiyaha daryeelkaaga caafimaad/dhakhtarka ama waxaad la xiriiri kartaa
xarumaha caafimaadka ee ku saleysan dugsiyada Denver Health si ay kuu siiyaan qiimeyn uu sameeyey bixiye daryeel caafimaad oo aan lagaaga qaadeynin wax lacag ah waxaana loogu talagalay dhammaan ardayda DPS (oo ay ku jiraan iskuullada jaartarka). Haddii aadan aqoon xarunta SBHC ee kuugu dhaw, toos u wac xarunta adigoo adeegsanaaya xogta hoose ee goobta; Khadka Macluumaadka ee Xarunta Caafimaadka ee Dugsiga oo ah 303-602-8958.