SafeAccess Home Page
Si Badbaado leh u Gelitaanka Gudaha
SafeAccess wuxuu u oggolaanayaa booqdayaasha iyo goobaha inay raacaan siyaasadaha caafimaadka iyo badbaadada ee hadda jira, iyadoo goobaha laga ilaalinayo lagana badbaadinayo halista uga imaan karta banaanka.

Macluumaadkaaga caafimaadka ee shakhsiyeed lama kaydinayo oo waxaa loo tixgeliyaa inuu yahay wax aad adiga iska leedahay.
Warbixino Cusub Soomaali
Ku Saabsan Shuruucda Qarsoodiga

Denver Public Schools: Students

DCIS AT MONTBELLO MS

Baaritaanka guriga lagu sameeyo ee loogu talagalay waalidiinta: English | Español | Việt | 简体中文 | Soomaali | العربية | नेपाली | Français | Русский | አማርኛ | ျမန္မ

Tilmaamaha Safe Access ee Baadhitaanka Caafimaadka Maalin Kasta ee Ardayga: English | Español | Việt  | Soomaali | العربية | नेपाली | Français | Русский | አማርኛ | ျမန္မ

Ku soo dhowow nidaamka Baaritaanka Ardayga ee DPS. Inta aad dhamaystireysid baaritaankaan, fadlan tixgeli haddii astaamahaaga ama astaamaha ardaygaaga ay "cusub yihiin" ama "lama filaan yihiin", ama haddii astaamuhu ay la jaan qaadayaan xasaasiyaddaadii caadiga ahayd ama xaaladaada caafimaad oo aad horey u qabtay. Si aad u dhammaystirto baaritaankaaga caafimaad ee ikhtiyaariga iyo maalinlaha ah, adigoo adeegsanaya aalada 'Safe Access', waa inaad isticmaashaa aqoonsigaaga ardaynimada DPS ama lambarka qadada ardayga si aad u gasho.

Kahor intuusan imaan dugsiga maalin kasta, arday kasta waa in laga baaraa astaamaha la xiriira COVID. Baaritaankan astaamaha ee maalinlaha ah laguma xiriirin doono iskuul. Xogta waa la tirtiri doonaa 24 saac kadib. Fadlan toos ula xiriir dugsiga si aad uga sheegto wixii maqnaansho ah oo la xiriira jiro.

Haddii aad su'aalo ka qabtid caafimaadka ardayga, waxaad la xiriiri kartaa bixiyaha daryeelkaaga caafimaad/dhakhtarka ama waxaad la xiriiri kartaa xarumaha caafimaadka ee ku saleysan dugsiyada Denver Health si ay kuu siiyaan qiimeyn uu sameeyey bixiye daryeel caafimaad oo aan lagaaga qaadeynin wax lacag ah waxaana loogu talagalay dhammaan ardayda DPS (oo ay ku jiraan iskuullada jaartarka). Haddii aadan aqoon xarunta SBHC ee kuugu dhaw, toos u wac xarunta adigoo adeegsanaaya xogta hoose ee goobta; Khadka Macluumaadka ee Xarunta Caafimaadka ee Dugsiga oo ah 303-602-8958. 
Fadlan isticmaal aqoonsiga iskuulkaaga ama aqoonsiga shaqaalaha. Hadaadan aqoon aqoonsigaaga fadlan eeg calaamad baajkaaga ama la xiriir iskuduwahaaga maamulka.

Ardayga ma laga helay COVID-19 ama, intii lagu jiray 14 maalmood ee lasoo dhaafay, ardaygu ma la joogay qof hadda qaba COVID-19 ama qof qaba astaamaha luminta cusub ee dhadhanka ama urka? *

Ma qabtaa mid ka mid ah waxyaabaha soo socaa maanta? *

●      Qandho (100.4) ama qarqaryo
●      Qufac
●      Neef yari ama dhibaato dhanka neefta ah
●      Daal
●      Murqo ama jir xanuun
●      Madax xanuun
●      Luminta dhadhanka ama urka ee cusub
●      Dhuun xanuun
●      Cabur ama duuf sanka ka socda
●      Lalabo ama matag
●      Shuban

* Liiskani ma aha mid dhamaystiran. Fadlan kala tasho bixiye caafimaad wixii astaamo kale oo daran ama walwal keenaya.


Choose a language
English Español Français Tiếng Việt Русский العربية नेपाली Soomaali ျမန္မ አማርኛ